Yoonis tuugii Eeraaniga ahaa….

Tuug Eeraani ahaa oo looxaanta iyo sanaadiiqda maydka lagu aaso iibin jiray, ayaa saqda dhex u dhici jiray qabuuraha. Intuu dib u qodo ayuu sanduuqa ay qolyihii faarisugu ku ridi jireen maytidooda kala soo bixi jiray. Intuu sanduuqii qaato ayuu maydkiina isagoo banaanka yaal kaga tegi jiray. Subaxiina intuu dib boodhka uga jafuu dib usii iibin jiray.

Dadka degaanku markay subaxii arkaan maydka banaanka yaal ee sanduuqiina laga xaday, ayey ilayn waxkale ma awoodaane halkii habaar iyo cay ula fadhiistaan tuuga falkaa foosha xun ku kacay ka dibna dib isaga aastaan maydkooda.

Mudo ka dib waxaa waynaaday inan uu dhalay odaygaa tuuga ahi, odaygiina wakhti ka dib tii Allaa u timi.

Inankii ayaa shaqadii iyo meheradiiba la wareegay. Maalin maalha ka mid ah ayuu inankii fekeray oo is yidhi waadiganoo hawshii odayga si wacan baad u wadaaye, sideebaad hadaba dadkan aabahaa habaarka iyo cayda udhaamin jiray bal mar uun duco iyo amaan uga yeedhsiisaa???

Inankii baa habeen habeenada ka mid ah isagoo ku gudo jira hawshiisii dhidareeynta ama qabuuro bililiqaysiga, ayaa wuxuu bilaabay inuu markuu maydka sanduuqa ka soo saaro ka dibna dhabarka musbaar sabarad le’eg ka sii taago.

Dadkii iyo eheldii maydadku markay qabuuraha subaxiii yimaadeen ee ay arkeen maydkoodiii oo banaanka yaal oo weliba musbaar abu sabarad ahina usii raacsanyahay, ayey bilaabaan habaar aan hore loo maqal iyo erayo ayey ka mid ahaayeeen “inkaari kugu dhacday kanaaba kii hore kadaran oo sii musbaaray” iyo “kii horaa la qaatay oo naxariis badnaa”.

Somaliland.ca