Xasanka Xamar oo Reer Gaza Somaliya usoo Raraya….

Codowga Somaliland oo iyagu boqnaha is wada gooynaya, ayaa hadana waxa keliyee mideeyaa uu noqday nacaybka iyo jiritaanka Jamhuuriyada Barakaysan ee Somaliland.

Iskaashatada Cadowga Somaliland ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan I.C.S ayaa shir ay yeesheen isku raacay sikastoo looga hortegi karo ictiraafka Somaliland ee ka soo bidhaamaya cariga Maraykanka.

Iskaashatadan oo uu hogaaminayey Xasanka Xamar ayaa laysla soo qaaday dhowr qodob oo ula muuqday inay Trump qalbigiisa ku bedeli karaan.

Xasan ayaa markiiba isla soo taagay “ waxaynu ku odhan qaxootigan aad celinayso kuwa aad meel u waydo, soo raaci kuwayaga oo anagaa xerooyin sida Ruwanda u samayn”. Waxaa isna ka daba qaatay Fiqi faaruq oo la shiryimi..””aniga waxaan u arkaa ta ugu wayne Trump inagu yeeli doonaa waa inaynu ku dhahno dadka reer Gaza ee aad soo barakicinaysid xagayga Somaliya keen anagaa dhul iyo badba u ahaynee..”

Wararku waxay intaa ku darayaan in aakhirkii laysla qaatay qodobkaa fiqi faaruq.

Sikastaba ha ahaatee, nacaybkii Iskaashatadu u qabtay Somaliland ayaa maanta maraya meel aad u xun. Waxa lays waydiinayaa tolow maxaa hadhay ee ay is hortaaga Ictiraafka Somaliland siisan doonaan…?

Somaliland.ca