Xasanka Xamar oo Laascaanood ku dhex Tuuray Taatiko Siyaasadeed Cusub si uu Deni Uga Maarmo

Laascaanood, Somaliland – Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha soomaaliya oo si weyn looga bartay khudbadaha masaajidda Muqdisho, ayaa si lama filaan ah ugu soo wareegay Laascaanood iyo Somaliland.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid siyaasadeed oo iyo siduu uga maarmi lahaa ku tiirsanaanta siyaasadeed ee uu muddo dheer la lahaa Saciid Deni, hogaamiyaha Puntland. Tan iyo markii uu xilka qabtay, xiriirka Xasan iyo Deni ayaa noqday mid qasan, iyadoo khilaafaad siyaasadeed iyo is-aamin la’aan ay sare u kaceen, taasoo sababtay in Xasan uu raadiyo xeelad cusub.
Xasan Sheekh ayaa hadda soo bandhigay taatiko cusub oo uu ku doonayo sidii uu dhagax keliya 3 shimbirood ugu wada dili lahaa.
Tallaabada ugu horreysa ayaa ah inuu kala dhantaalo xildhibaanada laga soo doorto Puntland, gaar ahaan kuwii metelayay Sool iyo Maakhir, si uu u yareeyo saameynta siyaasadeed ee Deni.
Dhinaca kale, Xasan wuxuu xildhibaanada Dirta Waqooyi (DIRINdiirta-Waqooyi) u sheegay inuusan marnaba taageersanayn samaynta Khaatumo State si uu u helo codkooda. Halka qorshihiisa kalena yahay in uu Firdhiye shirka kadib kula taliyo mudo korodhsi iyo dib u dhiga doorasho madaxeyne si uu u uruursado taageerada iyo cododka xildhibaanada Firdhiye oo magaabi doono. Marka la doortana Firdhiye mariyo wadadii ay hore u mareen aasaasayaashii SSC iyo Khaatumo — Xaglatoosiye iyo Galaydh. Halkaana uu ku soo xidho ciyaartii Xamar ku soo caano maashay 34ka sanadood ee ‘JUG-JUG meeshaada joog’.
Shirka Laascaanood ayaa sidaas darteed loo arkaa mid ka mid ah tallaabooyinka siyaasadeed ee ugu miisaanka culus ee Xasan Sheekh ku doonayo inuu mar kale ku soo noqdo hogaanka dalka.
Alla Somalilandneeey heeedheeeee….
SomalilandEmbassy.COM