Xasanka Xamar iyo Maxaa Kala Haysta Magacyada ku Dhamaada ‘Land’?

Xasanka Xamar wuxuu Somaliland hore u marsaday kardhkii Cigaale lixdankii “Irir Samaalism” kaasoo uu kusoo raray Mr. Hooleey si loogu kala fogeeyo bulshada Somaliland, iyadoo maskaxdooda lagu beeray aragti ah in la kala yahay—qaar iyagoo lagu yidhi: “kaadhkan waad ku jirtaan oo waxaynu nahay ilma samaale”, halka inta kalena lagu tilmaamay inay yihiin qalaalood iyo qadaadweyn.
Mudayar kadibna waa tii mucjiso siyaasadeed oo lama filaan ah mar kaliya lagu arkay garoonka Cigaal Airport — ee Mr Hooleey ka taagay calankii buluuga halkaana laga qaaday shiribkii kaasoo usii gogol xaadhay heestii inantee keentay in maanta lagu soo waaramo wararkii lagu yiqiin deriska sida ‘….. qolyo gafuurka duubtay oon la aaqoonsan baa….ka dibna goobta kaa carary…,’.
Hadda, foosta goboladii Hooleey soo dulundulceey qaybteedii kale wuxuu Xasanka Xamar maantana u soo dhiibay Xamse Xaadir, isagoo leh “Firdhiyoow, waxaynu wadaagnaa xisbiga cadaaladda iyo wadajirka — wixii aad kala firdhin karto kala firdhi.”
Firdhiyana wakaa maanta Laascaanood u kala qaybiyey: Laaas iyo Caano.
Xasan waxaa aad mooddaa inuu xasaasiyad ama alergic ku yahay waxay “land” tu raacdo, Puntland iyo Jubaland-ba mar buu wada gilgilay oo wakaa Puntland iyo Denina dib ugu celiyey budhcadnimadoodii oo sidii xuutiyiinta markab baanu soo qabsanay ku faanaya. Halka uu Jubaland iyo Madoobaana ku kala firdhiyey Mr Janan oo isna BeledXaaawo u kala qaybiyey Beled iyo Xaawo.
Deni iyo Madoobe waxaa ka soo hadhay: “Gudineey, haddaan badhkay kuugu jirin, imaad gooyseen!”
Halka Somaliland oo aad moodo inaanay weli kasoo kaban sunaamidii Hooleey iyo irirsamaaleyntiisii, ay isku maaweelinayso oraahdii caanka ahayd ee xaaji macow canjeero yidhi markuu tuugo usoo dhacay ee islaantiisii maymuuno ku tidhi xaaji tuuga miyaanad arkayn?,,
“Tuugu markuu albaabka hore ka soo galayey, waa u jeeday waase u gambahaayey. Markuu fadhiga soo galaayey, waa ujeeday waase u gambahaayey. Laakiin hadduu hurdada soo galo… ta ku dhacda Trump baa yaabi lahaa”
SomalilandEmbassy.COM