“Xasan Naftii-hafar waa Cali geelii ba’ay..” Madaxweyne MBC

Xasanow weligaaba u calaacal Masar, Yugaandha, ilhaan, ama Turki, waa sidaasoo abada ah oo aanaanu kaaga jimcinayn.

Xayiraadaan cirka iyo hawada aanu kaa saarayna way soconaysaa ilaa inta naqasku kaaga dhagayo, marti aad ciijisaad barateee, adaa maanta nafla’caarig ah.

Sarkaalkaa aad Xasanow xamar ku ciijisay iyo kuwa u gurmaday ee la haybta ahaa ee aad xidhatayna waxaba adaa looguu haystaa.

Shalay qaxootibaad noo ahayd, halkan Hargeysa Somaliland baanu kugu haynay, awoodan iyo xoogan aad sheeganayso maxaad ula soo bixiwayday markaa?

Hadal iyo dhamaan waxaan ku leeyahay Xasan duulduulow kabashkabash taasi meel ku gaynmaysee sidi-sidi-daada mooye dhul u dhacaaga hubso Xasan “cali geelii ba’ayoow…”

Somalilandna unugaa leh, malaa afkaasaad wax ku fahantaaye.

hadaladaasi waxay ka mid ahaayeen qudbaddii qiimaha iyo qaayaha lahayd ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi maanta jeediyey…

Halkan ka daawo qudbada Madaxweynaha oo dhamays tiran.

SomalilandEmbassy.com