Surwaalo Tuuta ah oo Ciidanka Qaranka SLD u diray Macawisleyda Soomaaliya.

Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ayaa caawimo u badan surwaalo tuuta ah u diray ciidanka macawisleeyda loo yaqaan ee dagaalka kula jira argagixisada.

“‘Markii aanu u adkeeysanwaynay dayacnaanta  ka muuqata ciidanka macawisleeyda ee dagaalka hadh iyo habeen kula jira argagixisa, ayaanuu ciidan ahaan garanay in aanu ku caawino dhowr konteenar oo tuutayaal ciidan ah. Konteeradan oo u badan Surwaalo milateri oo Tuutayal ah ayaanu is leenahay bal horta hayskaga bedelaan macawisahan maraboobta iyo muskaba usoo qabanaya… ” ayuu yidhi taliyaha saadka Qaranka Somaliland.

Waxaa ayaan daro ah in ciidanka Dhuhunga-Dhahaangaha ee qaramada midoobay ku biilaan Soomaaliya ay noqdaan kuwo aan meelna talaaabo u qaadin iyagoo kulebisan dhar iyo qalab aan ciidan Ruush iyo Maraykan toona wadan oo ah nooca aanay xabadu karin, halka kuwii wadaniga ahaana wax kale iska daayo bilaa surwaal yihiin oo marba mid macawista oodu ka qabsato. Ma ooda iyo macawistay kala ilaaliyaan mise aragagixisay iska dhiciyaan ayuu yidhi masuul ka tirsan xukuumadda villa Muqdisho oo codsaday inaan la magacaabin.

“Gargaarkan surwaalada tuutaha ah ee uga yimid ciidanka Qaranka Somaliland waxaan rajaynayaa inuu noqdo mid ay ku baraarugto xukuumada Soomaaliya oo ay usoo jeesato tayeeenta ciidanka oo wax kaleba iska daaye bal ay macawisaha ka bedasho oo surwaalo u xidho kabo iyo shaatiyaal haw danbeeyeene…” ayuu kusoo xidhay masuulkaasi hadalkiisa.

SomalilandEmbassy.com
Jiida hore