Suldaanka Guud ee Sambuuru Kenya, Suldaan Dhuhuunga Dhahaanga, oo Hargeysa ku soo fooleh…

Suldaanka Qowmiyada Samburu ee degata Gobolka Samburu ee Waqooyiga Kenya, ayaa dhowaan sheegay mar uu saxaafada la hadlayey in ay asal ahaan ka soo jeedaan Somaliland oo awoowgood ku aasan yahay.

“..mudo badan ayaanu ku tala jiray inaan mar uun booqano dhulkii awoowayaashayo iyo dadkii nala dhashay halkay ku noolaayeen laakiin duruufo jira ayey noogu suuro geli wayday..” ayuu ku sii daray hadalkiisa Suldaan Dhuhuunga….

Qowmiyadan Samburu ee sida fiintooda u caba dhiiga riyaha iyo lo’da, oo markay caanaha ku walaaqaana cuntaba ka dhigta, ayaa noqonaya qowmiyadii 5aad ee Hargeysa iska soo xaadirisa ilaa iyo intii ka danbeeysay dagaalkii dhowrgeesoodka ahaa ee lagu soo qaaday jamhuuriyaddii 32ka sanadood barakaysnayd ee markii danbana sidii baabuur borobayn ah baagfaayar isku samaysay.

32-sanadood waxaa geed dheer iyo geed gaabanba loo saaraa sidii ictiraaf loogu heli lahaa Jamhuuriyada Barakaysan ee Somaliland, laakiin sanadkan 2023 mid la mid ah lama arag lamana maqal. Sanadkani wuxuu noqday sanadkii 12 bilood gudahooda lagu noqday Qureeyshta > Irirka> Dirta> Oromoda> maantana waa Samburu. 2024 tolow maxaa la noqon…..?

SomalilandEmbassy.com