July 8, 2025

Somalilanders-ka Qurba Jooga ah oo U Muuqda Inay Ugu Dambayn Fahmeen Xaqiiqada Dhabta ah ee Lagu Eedeyn Jiray

Somalilanders-ka Qurba Jooga ah oo U Muuqda Inay Ugu Dambayn Fahmeen Xaqiiqada Dhabta ah ee Lagu Eedeyn Jiray

Waxaad moodaa in dad badan oo u badan qurba joogta reer Somaliland ay maanta si dhab ah u bilaabeen inay fahmaan micnaha qotada dheer ee ku jiray hadalladii ay hore uga maqli jireen Soomaalida kale—kuwaasoo ay ka mid ahaayeen eedeymo ah: “Somaliland sheegashadeedu waa cunsuriyad, waa kala goyn, waa nacayb Soomaaliyeed, waa faquuq,” iyo weedho kale oo la mid ah.

Balse maanta dad badan ayaa u caddaatay in micnaha dhabta ah ee hadalladaasi aysan ahayn eed xagga Somalilanders-ka loo jeedinayo, balse ay yihiin muraayad ka tarjumaysa kuwa eedda sheegaya laftirkooda. Qofkii sheegaya in Somalilander yahay mid nacayb wata, kala qeybinaya Soomaali, ama cunsuriyad ku sifoobay, waxaa la ogaanayaa inuu isagu yahay middaas uu qofka kale ku tilmaamayo.

Waa maxay sababta? Waxaa muuqata in Somalilanders ay si caqli iyo is-xakameyn leh ula yimaadeen nidaam xasilooni, nabad iyo dowladnimo leh—taasoo aad moodo inay nabar ku noqotay afarta dowlad degaanee Jigjiga, Jabuuti, Gaarisa iyo Muqdisho haba ugu daraatee. Maaha in ay wax u dhimayaan Soomaalinimo, ee waa in ay si gaar ah u dhiseen deegaan u shaqeeya dadka deggan, kaasoo ay ku gaadheen nabad iyo horumar.

Qaar badan oo dadkii hore u dhaleeceyn jiray Somalilanders ka ayaa hadda u muuqda kuwa garwaaqsaday in dhibtu aysan ka imaanin dhinaca Somaliland, balse ay ka imanayso xagooda kuwa aan doonayn xasillooni ama nidaam shaqeeya oo Soomaaliyeed. Waxaa lagu arkay in kuwaan aan jeclayn nidaamka Somaliland ay yihiin dad aan doonayn in si nabad ah lagu wada noolaado, waayo waxay doorbidayaan qas iyo kala dambeyn la’aan.

Dadka qaar waa kuwa dhirbaaxadu markay meel agtooda ay ku dhacdo fahma meesha ay wax ka qaldan yihiin; qaarna waa kuwa illaa ay dhibtu si toos ah u taabato aan waxba arag. Maanta waxaa muuqata in hadhaagii hurday ee Somalilanders-ka—gaar ahaan qurba joogta—ay tooseen oo ay fahmeen fariintii qarsooneyd ee ay wadeen dadka ay hore ugu qaadan jireen “walaalnimo Soomaaliyeed”.

Su’aasha hadda taagan waxay tahay: haddii badhkeen oo hurday Somaliland halkaa soo gaadhsiiyey, maantoo badankeenu soo jeedaa, maxay filan karaan Icadowgii? Waxaa hubaal ah in waxa ay arkayaan ama ka baqayaan ay hadda dhab u noqonayaan. Hadda waa markii la adkeyn lahaa midnimada Somalilanders, si loo ilaaliyo nabadda, loogana hortago kuwa caadeeysta Cadownimada Qaranimada iyo gooni isutaaga Jamhuuriyada Somaliland.

Talo muhiim ah: Muujinta Astaanta Somaliland

Waa in qof kasta oo muwaadin Somaliland ah uu muujiyaa jacaylkiisa iyo taageeradiisa qaranimada si muuqata oo sharaf leh. Tusaale ahaan:

  • Gacanta ku xidh calanka Somaliland si aad u muujiso cidda aad tahay iyo waxa aad aaminsan tahay.
  • Gurigasta ku dheji calanka si dadkoo dhan u arkaan in gurigan yahay mid leh aqoonsi iyo himilo qaran.
  • Baabuurkaaga taarikadiisa ama nambarkiisa gaarka ah (personalized plate) ku qor xarfo muujinaya magaca “Somaliland”, sida “SLND”, “SMLND”, “SOMLND”, iwm

Qof kasta oo gaadhigaaga daba socda, ama isha la raacaya, halkaas ayuu ka akhriyayaa farriinta aad dirayso. Waxaad halkaas ku dishay laba shimbirood dhagax kaliya—mid waa halganka ictiraafka, midna waa niyad-jabka cadowga.

SomalilandEmbassy.COM

error: Content is protected !!