Somaliland oo Noqotay Garoon Ku Badeed ay ku Ciyaarayaan Xasanka Xamar, Firdhiyaha Sool iyo Deniga Majeerteeniya!

Goojacade Stadium (SLE) — Somaliland oo muddo dheer la tacaaleysay sugidda amnigeeda, ilaalinta qaranimadeeda iyo dhisidda hay’adaha dowladeed ee ka madax-bannaan nidaamka Muqdisho, ayaa maanta u muuqata mid isu rogtay garoon siyaasadeed furan oo ay ku ciyaarayaan Xasanka Xamar, Firdhiyaha Sool, iyo Deniga Majeerteeniya.
Qaybta VIP-da ee garoonkan waxaa lagu soo casuumay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro) iyo wafdi sharaf kaleh oo ay ka midyihiin Madaxweyne hore Mr Cheese iyo gacanyarihiisii Fahad, kuwaas oo si xushmad leh loogu diyaariyey kuraas raaxo leh iyo hadiyado siyaasadeed. Waxaase dadka qaar su’aalo iska weydiinayaan sababta uu Madaxweyne Ciro ugu aqbalay martiqaadkan halkii uu garoonka ka saari lahaa kooxahan darbi ka bood ka ah.
Waxaa iyana xusid mudan in qaybta qoraxda ee garoonka, oo ah tan shacabka caadiga ah, ay si weyn u buuxdhaafiyeen dadweynihii reer Somaliland, kuwaas oo kala taageersan kooxaha ciyaaraya – halka taageerayaasha Xasanka Xamar ay lulayeen calan wata astaanta Dameerka, Firdhiyaha Soolna astaanta Faraska, iyo Deniga Majeerteeniya oo ay wateen ta Kaluunka.
Mararka qaar ayaa la arkayey Dameerkii oo waxba ku durdurinaya iyo Faraskii oo sidii lagu yaqaanay cawralaay cago iyo xiifininkiisii la soo baxay. Waxaan isna sahlanayn nibirigii oo isna dabaaljoogteeynaya marna quusaya marna biyaha saydhinaya.
Waxaa ayaan daro ah in Xasankii xamar, ee xasilin kari waayey Ansalooti ilaa Aadan Yabaal – halkaasoo aabuhu dardaaran siiyo qoyskiisa markuu maqribka masaajidka u baxayo, ilayn waa intaasoo beladii gafuurka duubnayd dhexda ka heshaaye – uu maanta in ka badan 1000 km kusoo safro si uu ugu dhex shirbo gudaha Somaliland!
Marka laga yimaado majaajilada muuqata ee garoonka dhexdiisa ka socota, waxaa taagan su’aal muhiim ah: Yaa mas’uul ka ah in Somaliland laga ilaaliyo ciyaarta siyaasadeed ee shisheeyaha? ayuu yidhi mid ka mid ah shacabka isha ku haya arrimahan.
In kasta oo shacabka ay u kala janjeedhaan taageerada kooxahan siyaasadeed ee dariska ah, haddana waxaa muuqata baahi xoog leh oo loo qabo hoggaan adag, sharci sugan, iyo garoon dedan.
Alla Somalilandneey heedhe…
SomalilandEmbassy.COM