Shan Taajir oo Tatanic ku noqday Goojacade.

Gujis ay saaraayeen dalxiisayaal booqanayey hadhaagii markabkii Titanic ee ku burburay badda ayaa la waayay wax yar ka dib markii uu bilaabay hawshiisa Axadii.

Gujiskani wuxuu qayb ka ahaa safar siddeed maalmood ah oo ay maamusho shirkadda OceanGate Expeditions, taasoo dalxiisayaasha ay ka qaadeen lacag dhan $250,000 si ay u soo arkaan hadhaaga markabkii taariikhiga ahaa ee Titanic – laba qaybood oo waaweyn oo fadhiya ilaa laba mayl iyo badh hoos u dhaca badda – ilaa 400 mayl xeebta ee Newfoundland, Canada.

Sida aan ka xiganay OceanGate, waxaa jiray hawlgallo guul laga soo hooyey oo lagu gaadhay burburka Titanic 2021 iyo 2022.

Ilaalada Xeebta ayaa sheegay in ay bilaabeen raadinta dhulka hoostiisa 21-fiit galabnimadii Isniinta oo ay sii wadeen baaritaanada ilaa maanta oo talaado ah.

Rear Adm. John Mauger ayaa shir jaraa’id ka sheegay in kooxda samatabbixintu ay geynayaan Gujis wayn iyo ugu yaraan laba diyaaradood oo badda gudaheeda wax ka baadha marka lagu daro baadhitaanada dusha sare. Inkasta oo tignoolajiyadaasi jirto, haddana waxa uu sheegay in aaggu “fog” yahay oo ay adag tahay in la baadho.

Baadigoobka ayaa laga wadaa meel 900 mayl bari ka xigta Cape Cod oo qoto dheer ilaa 13,000 fiit, ayuu yidhi.

Subaxnimadii Talaadada, Ilaalada Xeebuhu waxay sheegeen inay baadheen 10,000 oo mayl laba jibaaran.

Ilaalada xeebaha Mareykanka ayaa la shaqeynaya ciidamada badda Mareykanka, ilaalada xeebaha Kanada, iyo Militariga Kanada si ay u baadigoobayaan gujiskan maqan.

Shanta dalxiise ee saaraa gujiskan yar ayaa kala ah: Hamish Harding, Paul-Henry Nargeolet, Shahzada Dawood, iyo Suleman Dawood.

Sikastaba ha noqotee, shantan taajir ee islahaa Tatanic soo daawada dacalada ayaad moodaa inay ku dhacday wixii ku dhacday sida qoon ka horeeyey oo islahaa Goojacade soo daawada oo iyana ilaa iyo hadda la la’yahay meel ay ku danbeeyeen. Dhubuq-dhubuq hore, dhabanahays danbay leedahay.

SomalilandEmbassy.com
Tatani-Cade