Ra’iisal Wasaaraha UK oo Ictiraafay Somaliland

“Waan ognahay awoodda isbedal ee uu keeni karo maalgashiga ay sameeyaan shirkadaha gaarka ah. Waxa ay naga caawiyeen in aan dekado ka dhisno SOMALILAND iyo Senegal, mashaariic quwadda biyaha laga dhaliyo oo aan ka hirgelinay Rwanda iyo tamarta dabeysha oo aan ka dhisnay Hindiya,” Sunak

Waxa uu intaa sii raaciyay in dalkiisa ay ka go’an tahay xaqiijinta in laga guul-gaaro maalgashiga lagu sameeyo kaabayaasha DALALKA, si bulshooyinka waddamadaas looga saaro fakhriga.

Xafiiska arrimaha dibadda ee UK oo aan hore ugu dhiiran jirin aqoonsiga SOMALILAND ayaad moodaa inuu Ra’iisal Wasaare Sunak maanta u bilaabay.