July 8, 2025

Qorshaha Qadar ee Safarka Madaxweynaha: Damac Siyaasadeed iyo Dhexdhexaadin Diblomaasiyadeed

Qorshaha Qadar ee Safarka Madaxweynaha: Damac Siyaasadeed iyo Dhexdhexaadin Diblomaasiyadeed

(SLE) — Warar hoose oo la helay ayaa tilmaamaya in safarka madaxweynaha Soomaaliya uu ku tegay dalka Qadar uu salka ku hayo qorshe siyaasadeed oo ballaaran oo ay hormuud ka tahay dowladda Qadar. Qorshahan ayaa ujeedkiisu yahay in la dhiso isbahaysi cusub oo saameyn ku yeesha masraxa siyaasadda Soomaaliya, iyadoo si gaar ah loo xoojinayo saddex qodob oo muhiim ah:

1. Taageerada Farmaajo:

Qorshaha ugu weyn ayaa ah in dowladda Qadar ay dooneyso in ay si buuxda u taageerto madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si uu mar kale ugu soo laabto xilka madaxtinimada Soomaaliya. Qodobkaan waxaa ka mid ah in Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro uu door weyn ka ciyaaro sidii beelaha DIRindiirTA Waqooyi ee ku matala baarlamaanka Soomaaliya ay u mideyn lahaayeen taageerada ay u hayaan Farmaajo, si codkooda loo helo marka doorashadu dhacdo.

2. Madaxweyne ku xigeen laga dhigo Cabdiraxmaan Ciro:

Qodobka labaad ee heshiiska wuxuu sheegayaa in Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro), madaxweynaha hadda ee Somaliland, laga dhigo madaxweyne ku xigeenka dowladda federaalka Soomaaliya. Tani waxay noqon lahayd tallaabo siyaasadeed oo culus oo horseedi karta in Somaliland dib ugu soo laabato federaalka Soomaaliya, iyadoo Qadar ay dooneyso inay kaalin muuqata ka qaadato midnimada Soomaaliya iyo xasiloonida gobolka.

3. SSC-Khatumo oo noqota dowlad goboleed buuxa:

Qodobka saddexaad wuxuu la xiriiraa arrimaha SSC-Khatumo. Qadar waxay dooneysaa in SSC loo aqoonsado dowlad goboleed buuxa oo ka tirsan federaalka Soomaaliya, halka hogaanka maamulkaasna loo dhiibi lahaa Cabdirisaaq Khaliif Axmed, isagoo beddeli doona hogaamiyaha hadda la sheegayo ee Firdhiye. Tani waxay qeyb ka tahay dadaalka lagu doonayo in lagu dejiyo xaaladda gobolka iyo in SSC hesho matalaad siyaasadeed rasmi ah.

Dhexdhexaadinta Qadar:

Dowladda Qadar ayaa isu xilsaartay inay dhex dhexaadiso dhinacyada kala duwan. Waxaa la rumeysan yahay in Qadar tahay dowlad keliya oo si dhab ah u maareyn karta wada-hadallada adag, maadaama ay khibrad u leedahay xalinta khilaafaadka caalamiga ah, gaar ahaan kuwa carabta iyo Geeska Afrika.

Heshiiskan wali si rasmi ah looma shaacin, balse haddii uu hirgalo wuxuu beddeli karaa jihada siyaasadeed ee Soomaaliya, Somaliland, iyo gobolka oo dhan.

SomalilandEmbassy.COM

error: Content is protected !!