September 20, 2025

Nimco Samriye iyo Michael Jordan: Maxay Wadaagaan?

IMG_0332

Waxaa laga yaabaa in marka hore ay dad badani la yaabaan isbarbardhigga Nimco Samriye iyo Michael Jordan—laba shaqsi oo kasoo jeeda laba qaaradood, laba dhaqan, iyo laba xirfad oo kala duwan. Laakiin haddii si qoto dheer loo eego, waxaa si cad u muuqanaysa in labadooduba yihiin halyeeyo aan wakhtigu duugi karin, kuwaasoo magacooda lagu asteeyay “The GOAT” — Greatest of All Time.

Michael Jordan, oo loo yaqaan MJ, waxa uu wali yahay boqorka aan la bedeli karin ee kubadda kolayga adduunka. Guushii uu gaaray kuma ekaan inay ahayd 6 koob oo NBA ah, balse waxa uu sameeyay taariikh lama ilaawaan ah markii uu saddex jeer oo isku xiga ku guuleystay horyaalka NBA isagoo ah ciyaaryahanka ugu fiican, kadibna uu si lama filaan ah uga fariistay ciyaarta 1993 si uu u raacdo riyadiisii caruurnimo ee ahayd inuu noqdo ciyaaryahan baseball ah.

Laakiin MJ ma uusan noqon in la illaawo. Wuxuu dhowr sano ka dib kasoo noqday hawlgabnimadii wuxuuna mar kale qaaday saddex horyaal oo kale—tani waxay caddeyneysaa hal qodob: Once a GOAT, always a GOAT.

Haddaba, maxaa ka dhexeeya ama ay wadaagaan MJ iyo Nimco Samriye?

Nimco Samriye waxay ahayd boqoradda aan muranku ka taagnayn ee telefishinada Soomaalida. Muddo dheer ayay ahayd midda ay ugu jecel yihiin dadka afka Soomaaliga ku hadla meelkastay joogaan—ha noqoto Soomaaliya, Soomaalida Itoobiya, Jabuuti, NFD ama Somaliland. Barnaamijyadeeda ayaa noqday kuwo si weyn loogu riyaaqo, waxaana la odhan jiray “waa number one aan number two jirin”.

Laakiin sida MJ, Nimco waxay go’aansatay inay isaga tagto iftiinka shaashadda si ay u raadiso riyadeeda qaaliga ah ee hooyonimo. Waa talaabo geesinimo leh oo aysan qaadi karin qof kasta.

Sanado badan kadib, maanta Nimco waxay dib ugu soo noqotay muraayaddii ay beri siraadi jirtay, iyadoo aanay waxba iska bedelin—codkii, quruxdii, qosolkii, iyo hibadii Alle siiyey.

Sida MJ oo kale, Nimco waxay u muuqataa mid guulihii halkii ay kagatagtay kasii guran doonta. Waxaa laga dareemayaa shaashadda inay wali tahay boqoraddii laga daba dhacay, loona hayo xiisihii ay shacabka Soomaaliyeed weligood u hayeen.

Waana sidaa—Once a Champion, Always a Champion. Nimco Samriyena weligeed waa The Queen of Somali Media. Period.

SomalilandEmbassy.COM

error: Content is protected !!