Muj. Biixi & Trump maxay iskaga midyihiin?

Ilaa iyo ayaantii uu Trump bilaabay inuu u ordo madaxweynaha markaynka ilaa maantoo uu hadana markale damacsanyahay waxaa weli socda casharadii isdaba jooga ahaa ee uu adduunwaynaha ku barayey waxa dhabta ah ee dalka Maraykanku yahay. Haday noqoto siyaasad, dhaqaale, xaquuqal insaan ama dimuqraadiyada ay sheegtaan inay hormuudka ka yihiin.

Trump wuxuu caalamka tooshka ugu ifiyey sida aanay maraykanku u haysan dimuqraadiyad qof iyo cod ah, balse ay u yihiin bogcad yar oo afar ka taajiray qarnigii adoonsigu ay u samaysteen sharciyo u gaara oo ay isku doortaan. Taa waxaa u daliila, haday ahaan lahaayeen dal dimuqraadiya oo qof iyo cod ah, mid iyo kabadana lagu kala badiyo, Hilary oo 3 million iyo qadaadiic ka horeeysay baa madaxweynaha noqon lahayd.

Dhanka kale, waxaa isna casharo kuwaa la mida dhigayey Madaxweyne M. Biixi. Halka Trump uu umadaha kale wax ku baro isagoo kashifaya banaankana keenaya goddoloolooyinka dadkiisa iyo dalkiisa, Muj. Biixi, wuxuu dadkiisa iyo dalkiisaba tooshka ugu ifiyaa cadowgooda goobkasta iyo godkastooy ku jiraan. ilaa iyo intuu Muuse hogaanka u hayey Jamhuuriyada barakaysan, talaabo kastuu hore u qaadaba, cadowga Qaranka ayaa godkastooy ku jiraanba qoorta ka soo taagayey.

Waxaa intaa u sii dheer inuu kuwo shaadir iyo shaadhadh usoo gashan jiray shacabka oo shalay ku beerlaxawsan jiray maatada iyo caruurta, isku ab iyo isir baan nahay, uu maanta banaanka keenay iyaga iyo argagixisadoodii oo gacmaha isu soo qabsaday cadaawada Shacabka Somaliland oo ka xun horumarka Jamhuuriyada Somaliland.

Waxaa isweeyndiin leh, waayo Soomaali oo waxkasta isku diidani, marka Somaliland talaabo wanaagsan qaado ay Soomaalidii is wada diidanayd gacmaha isu qabsadaan sheekh iyo shariif ilaa shaydaankoodu oo weerar qayaxan ugu soo qaadaan Somaliland. Malaa haddii Somaliland la ictiraafi lahaa Somaliya waaba hagaagi lahayd ee colka wadhaf malagu dayey!.

SomalilandEmbassy.com