Madaxweynayaasha Somaliland & Somaliya oo ku kulmay Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shir guddoominayay wadahadalka cusub ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxweynaha ayaa wada-hadallada ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Inkastoo aan weli la shaacin ajandaha looga hadlay shirka hadana sida ay goobjoogayaal noo xaqiijiyeen, waxyaalaha ugu horeeyey ee shirka laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa dowlada somaliya oo raali gelin buuxda ka bixisay faragelinta xaduudaha iyo gobolada Somaliland khaasatan magaalada laascaanood iyo nawaaxigeeda.

Intaa ka dib, waxaa lagu heshiiyey in sidii caadadu ahayd la magacaabo guddiyo farsamo oo sii wadaya wada hadalada islamarkaana loo wada macaamilo sidii laba dal oo jaar ah xuduudahana la ixtiraamo.

SomalilandEmbassy.com