Madaxa calooshood u shaqeystayaasha Wagner ayaa sheegay in ciidamadiisa ay ka soo horjeedaan Ruushka, qaarkoodna ay isaga baxeen Ukraine

Milkiilaha qandaraaslaha millatariga gaarka ah ee Wagner ayaa si toosa oon gabasho lahayn ulahadlay Kremlin-ka Jimcihii, isaga oo ku baaqaya kacdoon hubaysan oo looga dan leeyahay in lagu rido wasiirka difaaca ee Ruushka. Laamaha ammaanka ayaa isla markiiba ka falceliyay iyagoo ku baaqay in la soo xiro Yevgeny Prigozhin.

Astaan ​​muujinaysa sida uu Kremlin-ku khatartiisa u qaadanayo, ayaa la adkeeyay ammaanka Moscow iyo magaalada Rostov-on-Don, oo ay ku yaallaan xarunta dhexe ee ciidammada Ruushka ee gobolka koonfureed, sidoo kalena dusha kala socota dagaallada Ukraine.

Wixii ka soo kordha Gala-Moscow kala soco halkan.

SomalilandEmbassy.com