July 8, 2025

Madax-bannaanida iyo Qarannimada Somaliland (1960), Midowgii Soomaaliya, iyo Xaaladda Hadda

Madax-bannaanida iyo Qarannimada Somaliland (1960), Midowgii Soomaaliya, iyo Xaaladda Hadda

26-kii Juun 1960, Somaliland oo markaas ahayd maxmiyad British ah ayaa heshay madax-bannaanideedii, iyadoo noqotay dawlad xor ah oo ay aqoonsadeen in ka badan 45 waddan, oo ay ka mid tahay Boqortooyada Ingiriiska.

Laakiin madax-bannaanidaasi waxay socotay keliya muddo yar. 1-dii July/Luuliyo 1960, Somaliland waxay si iskeed ah ula midowday Soomaaliyadii Talyaanigu gumaysanjiray oo aan iyadu xor ahayn!!!!.

Sikastaba ha ahaatee hammigii midnimada Soomaaliyeed wuxuu ka yimid rabitaanka in la mideeyo dhulalka Soomaaliyeed ee kala qaybsanaa, balse si dhakhso ah ayay u bilaabatay kalsooni darrada u dhexeysa woqooyiga (Somaliland) iyo koonfurta (Somalia). Dadka reer Somaliland waxay dareemeen in la takoorayo oo laga faquuqayo awoodda siyaasadeed iyo dhaqaalaha. Dhibaatooyinku waxay gaarayeen heer xun xilligii kaligii-taliska Siyaad Barre, gaar ahaan 1980-meeyadii, markaas oo la geystay xadgudubyo ba’an iyo duqeymo ka dhacay magaalooyinka waaweyn sida Burco, Berbera iyo Hargeysa.

Kadib burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991, Somaliland waxay dib ugu dhawaaqday madax-bannaanideedii, iyadoo sheegatay inay dib u soo ceshatay dawladnimadeedii 1960-kii. Tan iyo markaas, Somaliland waxay samaysatay hay’ado dastuuri ah, doorashooyin dimuqraadi ah, nabad iyo xasilooni siyaasadeed,

Maanta, Somaliland waxay u shaqaysaa sida dal madax-bannaan, iyadoo leh dastuur u gaar ah, lacag u gaar ah, ciidamo, iyo madax dawladeed. Si kastaba, Somaliland waxay sii waddaa dadaalka ay ugu jirto helitaanka aqoonsi caalami ah, iyadoo ku doodaysa taariikhdeeda gaarka ah, xasiloonideeda, iyo dimuqraadiyadeeda.

Xaaladda hadda waxay u dhaxaysaa guulo gudaha ah iyo caqabado dibadeed, iyadoo Somaliland ay weli sugayso aqoonsiga mudada dheer daaqada soo saaraa maantase aad moodo inuu miiskaba saaranyahay.

Isku soo wada duuboo, kuli fidma cinda – dagdagii maalintaa(July 1st) lala midoobay dal iyo dad aan weli xornimo ka qaadan hadhaagii ma jixinjixihii Biniito Musaliini. Salaada, waysaa ka horeeysa, adoo soo waysaysatay hadaad salaad la xidhato qof aan wayso qabina dhibteeday leedahay. Horta isu soo xoree sidaan anba 26-June isu soo xoreeyey ka dibna ila midow, waa mida Somaliland seegtay ilaa maantana dhibaatada ku haysa labada dhinacba.

Dhinaca Somaliya, waxay ku noqotay waxaad barataa waa baaskaa oo waata ay ka badan 35 sanadood la hagaagi la’yihiin waaayo waxay markale sugayaan Somalilanderskii jibaysnaa ee siisowga iyo sabaaxa la soo galay Muqdisho July 1st, 1960 isla daqiiqadna xornimo iyo midnimo isugu daray. Somalilandna safkii bilaa waysada ee suulashu kala dhaadheeraayeen waa ta wali ka soo kaban la’….

SomalilandEmbassy.com

error: Content is protected !!