Koonfur Galbeed ma Gobol Miriflaa mise waa mid lawada leeyahay….

Waxaa isa soo taraya maalinba maalinta ka danbeeysa cadaalad darada baahsan ee ay Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ku hayso qowmiyada Digil oo ah lafdhabarta dowlada dhan dhaqaale iyo diyaasadeedba.

Sidii ninkii Benson uu hawada uga saaray ninkay shuraakada wada ahaayeen ee Hedges, oo waxay wada la haayeen umaduba Benson tuun wada gurtay, ayaad moodaa in Koonfur Galbeed oo labada dhar-dhaare uu ku taaganyahay ama aasasayba ay ahaayeen Digil iyo Mirifle uu u xuubsiibtay mid ku suntan Mirifle keliya.

Digil oo ay ka mid yihiin Boqortooyada Geledi ee uu ka soo jeedo Boqorkii Geledi ee Suldaan Axmed Yuusuf ayaad moodaa in ay isha ka daawanayaan tacadiga iyo xaqdarada lagu hayo beelweeynta Digil iyo wixii aan ahayn qoomiyada Mirifle ee uu ka soo jeedo taliska ka amarkutaagleeya Koonfur Galbeed.

Boqortooyada Geledi ayaa ahayd mid si wayn saameeyn ugu lahayd qarnigii 18aad degaankaas iyo gebi ahaanba geeska Afrika. Maantana waa ayaan daro, Geledi iska daaya in Digil oo dhan afartii wasiir ee Koonfur Galbeed waxba laga siin, wasiir u yaal mooyaane. Madaxweynuhu waa Mirifle, Gudoomiyaha Barlaamaanka Somaliya waa Mirifle, dhamaan Wasiirada xukuumada Somaliya ee metela K.Galbeedna waa wada mirifle mid iska alowsahal ah mooyee.

Xaqdaradan iyo Cadaalad daradan marba marka ka sanbeeysa sii xoogeysanaysa haddii aanu maamulka Dowlad Goboleedka KG si degdega wax uga qaban waxaa dhici doonta in Benson and Hedges kala tashadaan. Rag Cadaalad Waayey Sidii Caawsha Kala Yaac.

SomalilandEmbassy.com
Afgooye Office