Haweeney Shiine ah ayaa loo xidhay in ay mushahar ka qaadanaysay 16 shaqo isku mar

Haweeneyda oo lagu magacaabo Guan Yue, ayaa lagu qabtay wareysi shaqo oo ay ka qeyb gashay.

Mid ka mid ah xeeladaha Guan ayaa ahaa in ay codsato boosas shaqo oo banaan oo ay ka qayb qaadato waraysiyada si ay sawiro uga qaadato halkaas ka dibna u dirto sawiradan shirkado ay ka shaqeyso, iyada oo sheegta in sawiradu ay yihiin kuwo ka soo qaaday shirarka ay la yeelato macaamiisha.

Xariifadan ayaa la sheegay in anay waligeed diidin wax shaqo ah.

Baaritaanka bilayska ayaa lagu ogaaday in Guan iyo ninkeeda ayaa shaqaale samaysan jiray hawsha la wada marka ay aad ugu mashquulsan yihiin qabashada shaqooyinkii ay hore u haysteen.

Khiyaanada ayaa socotay muddo saddex sanadood ah ka hor inta uusan mid ka mid ah mulkiilayaasha kambaniyada ay u shaqayn jirtay aanu ogaan inaanay mudadii sadexda bilood ee tijaabada ahayd wax iibitaana sameeyn ka dibna uu sidaa shaqadii uga eryay.

Markii shaqada laga eryey ayey xariifadani warqad is casilaadeed oo ay u waday kambani kale si khaldan ugu soo diray email group ah oo uu ku jiro mulkiilihii kambaniga ka eryey.

Baadhitaanka ayaa sidoo kale kashifay ugu yaraan 51 qof oo kale oo ku jira khiyaanada mushaharka Guan, iyada oo qaddarka lacagta ku lug leh kiiska ay kor u dhaaftay $50 milyan yuan (qiyaastii $ 7 milyan).

Saddexdii sano ee la soo dhaafay, Guan iyo ninkeeda waxay sameeyeen lacag ku filan oo ay ku iibsadaan guri fillo ah oo ku yaal Shanghai.

SomalilandEmbassy.com