“Eydii & Bisadihii bay naga cuneen Soomalidii Derbiga kasoo booday..” Donald Trump

Doodii caawa ee Donald Trump iyo Kamala oo noqotay doodii ugu daawashada badnayd abid ayaan u dhicin sidii la filayey.

Doodani waxay u ahayd Trump tii 7aad ee heer Madaxweyne halka Kamalana ay ahayd tii ugu horeeysay.

Madaxweynihii hore ayaa isagu sidii lagu yaqaanay islamarkiiba weerar cir iyo dhul ah ku qaaday shaqsiyada Kamala, sheegayna inaanay wax qorshe ah goobta la iman aqoonteeduna aad u liidato.

Madaxweyne ku xigeen Kamala ayaa iyadoo iyana aan dabyarshidayn dhowr dhagax dhinaca Trump usoo tuurtay. Waxa ay markale dadka xasuusisay in ninkan la doodayaa yahay dambiile dhowr danbi oo waawayn lagu helay maxkamadaytoodana sugaya. Waxay xusuusinta ugusii dartay inay 85 milyan oo maraykan ahi shaqadiisa ka eryeen hadana diyaar u yihiin inaanu xafiiska cad cag soo gelin.

Trump oo daqiiqado sawirtay inuu yahay danbiile jeelka madheera ka dhex jiiqle ayaa markeliya yidhi dadkii qoxootiga ahaa ee xuduuda Migsiko ka soo gudbay waxay naga cuneen bisadihii iyo eydii. Hadalkan ayaan ilaa iyo hada la ogayn siduu ku yimi laakiin waxaa laga soo qaaday uun waxyeelooyinka ay sababto marka la xasuusto liinta madheera….

Trump ayaa dhowr jeer kusoo celceliyey in Kamala iyo Hurdaaye, waa Bidene, ay dunida u horseedeen udiyaar garowga dagaalka sadexaad, waxaanu raaciyey hadaad doorataan Kamala, 2 sano gudahood Israil hawaday ka baxaysa, qunbuliyado ayaana laysla dhacayaa.

Trump wuxuu kaloo xusay ka soo cararkii Maraykanka ee Afganistan. Waxaanu dusha u saaray Kamala iyo Hurdaaye inay hadhcad hubkii iyo dalkay mudada dheer ka talinayeen ka soo carareen. Ilaa iyo hadana aanay jirin cid denbigaa dusha laga saaray ama loo xidhay, laba cali ama laba kornayl na isma waydiin…Wuxuu intaa sii raaciyey in aanay shacabku marna yeeli doonin in Kamaala la doorto oo xisbiga Dimuqraadigu soo noqodo oo ay qasab tahay inuu guulaysto haddii la rabo in Maraykan la badbaadiyo…

Kamala ayaa iyadoo itaalbaaska cararkaa cawralaay cagaha ahaa isle wadiiqo u yeel tidhi, waxaasoo dhan waxaa ugu wacan waa xidhiidhka hoose ee aad la leedahay cadwoga Maraykanka sida ruushka, shiinaha iyo kuuriyada waqooyi. Waxay taa sii raacisay waxaad adiga iyo kooxdaaduba qadarin iyo qiimo u yeeshaa cadowga Maraykanka halka aad shacabka Maraykanka iyo halgamayaashodana hoos u dhigtaan…

Sikataba ha ahaatee, doodan baad moodaa inay u dhowdahay tartanka doorashooyinka Somaliland ee ah ama idooro ama dalku wuu dumayaa iyo markale iyo qaxii xarshin ilaa dulcad!! halka qaarna leeyihiin ictiraafkii daaqaduu oolijiray laakiin maanta ka soo dhowaa oo wuxuu dhexyaalaa Hargeysa waxaana ka hadhay is-fahanka is-afgarad ee xabashida oo hirgala…

Isku soo wada duuboo, Kamala ayaa u muuqatay inay dhowr dhibcood meesha kala tagtay caawa marka la barbardhigo Madaxweyne Biden iyo doodii hore ee hurdada ku dhaaftay. Laakiin kolay aragtida SomalilandEmbassy waxay u egtahay in Trump ku horeeyo dhibcaha doodan soo gabagabowday dadqiiqado ka hor.

SomalilandEmbassy.com