“Dowlada Turkiga waa dowlada keliyee rabta inay xaga badda iyo cirka nagala weerarto Somaliland” Xasanka Xamar

Barlamaanka Somalia ayaa maanta duuduub ku ansixiyey heshiis aan golahaba la keenin.

Heshiiskan oo ahaa mid Xasan Sheekh Turkiga kaga iibsaday Badwaynta Somaliya ayey xildhibaanada labada gole dhamaantood wada ansixiyeeen kadib markii xalay mid walba barkimada hoosteeda loo geliyey xadhigii lagu ciijin lahaa hadduu ka horyomaado tareenka xasanka xamar.

Heshiiskan ayaa ku bilowday ka dib markii Xasan Sheekh wiilkiisu turkiga nin turkish ah ku soo dilay ka dibna soo baxsaday. Xasan Sheekh ayaa badda Soomaliya magdhow ahaan u siiyey dowlada turkiga si aan wiilkiisa loo dilin maadaamoo intuu qof dilay hadana dalka ka bacsaday.

Waxaa kaloo soo dedejiyey heshiiskan xasan iyo tirkiga in maanta barlaamanku ansixiyaan waa turkiga oo hadana markale baahida xasan ka faa’iidaysanaya oo ka dhaadhiciyey inuu itoobiyaa iyo Somaliland ka difaaci doono.

Xasanka xamar oo maalmihii u danbeeyey ka lediwaayey awooda ay Somaliland ku maamulayso hawada Somalia , ayey wararku sheegayaan inuu turkiga ka codsaday dhowr diyaaradaha daroonka loo yaqaan ee bilaa duuliyaha ah inuu ku caawiyo si uu ugu duqeeyo garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, Cigaal airport iyo dekada Berbera.

Wixii war ah soo kordha haka fogaan…

SomalilandEmbassy.com