Diyaaraddii Air India ee AI171 oo Laba Matoor Laga Damiyey Intii ay Hawada Ku Jirtay..

(SLE) – Hay’adda Baaritaanka Shilalka Diyaaradaha ee India (AAIB) ayaa soo saartay warbixin horudhac ah oo muujinaysa in shilkii diyaaraddii Air India Flight AI171 uu sababay markii labada matoor si lama filaan ah loo bakhtiiyey/damiyey wax yar kadib markii ay duushay.
Diyaaradda Boeing 787-8 oo ku sii jeeday London, ayaa ka duushay magaalada Ahmedabad 12-kii June. Warbixinta hordhaca ah waxay sheegtay in labada “fuel-cutoff switch” ee matoorada laga beddelay “RUN” una wareegeen “CUTOFF” – taasoo keentay in matooradu istaagaan midba midka kale, isla markaana ay diyaaraddu si toos ah u dhacdo.
Codka laga helay duubista qolkii duuliyaha ayaa muujiyey jahwareer iyo yaab, iyadoo mid kamid ah duuliyeyaasha uu leeyahay: “Maxaad u damisay?”, halka midka kalena uu uga jawaabay: “Anigu ma damin.” Arintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sababta dhabtaa ee shilkan – haddii uu yahay khalad bini’aadmi, cilad farsamo, ama wax kale.
Shilkan ayaa sababay dhimashada 260 qof, oo ay ku jiraan 19 qof oo dhulka joogay. Hal qof oo rakaab ah ayaa badbaaday.
Baaritaan buuxa ayaa socda, waxaana lagu wadaa in warbixinta dhamaystiran la soo saaro sanadka soo socda.
SomalilandEmbassy.com