DegDeg: Sen. Cruz wuxuu ku baaqay in Mareykanku aqoonsado JamhuuriyadSomaliland

WASHINGTON, D.C. – Maanta, Senetorka Mareykanka Ted Cruz (R-Texas), oo ah Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Xiriirka Dibadda ee Senet-ka Mareykanka ee Afrika iyo Siyaasadda Caafimaadka Adduunka, ayaa warqad u diray Madaxweynaha Donald Trump, isaga oo ku boorinaya maamulka in si rasmi ah loo aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland inay tahay dal madax-bannaan.
Nuxurka Warqada oo kooban:
“Somaliland waxay noqotay lama huraan dhinaca amniga iyo diblomaasiyadda ee Maraykanka, iyadoo ka caawinaysa Mareykanka horumarinta danaha amniga qaranka ee Gobolka Geeska Afrika iyo meelaha ka baxsan. Waxay ku taallaa meel istiraatiiji ah oo ku dhow Gacanka Cadmeed, taas oo ka dhigaysa inay ka ag dhowdahay mid ka mid ah marin-biyoodka ugu mashquulka badan dunida. Waxay leedahay ciidamo tababaran oo awood leh, waxayna ka qaybqaadataa howlaha gobolka ee ka hortagga argagixisada iyo burcad-badeednimada. Waxay ogolaatay in laga furo Xafiis Wakiilnimo oo Taiwanese ah caasimadda Hargeysa, waxay raadineysay inay xoojiso xiriirka ay la leedahay Israa’iil, waxayna taageertay Heshiisyada Ibraahim (Abraham Accords)…
“Somaliland waxay wajahaysaa cadaadis sii kordhaya oo kaga imanaya cadawgeeda, taas oo qayb weyn ka tahay kaalinta ay ku leedahay inay tahay saaxiib amni iyo istiraatiiji ah ee Mareykanka iyo xulafadiisa. Xisbiga Shuuciga Shiinaha (CCP) wuxuu adeegsanayaa cadaadis dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed si uu uga aargoosto Somaliland taageerada ay siisay Taiwan, iyo sidoo kale inuu carqaladeeyo taageeradaas…
“Inkasta oo ay jiraan hanjabaadahan, Somaliland waxay weli ka go’an tahay inay xoojiso xiriirka ay la leedahay Mareykanka, iyadoo si firfircoon uga shaqeyneysa kobcinta iskaashiga milatari, howlaha ka hortagga argagixisada, iyo iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi. Si tan loogu sameeyo heerka ugu sarreeya, iyo faa’iidada ugu badan ee danaha amniga qaranka Mareykanka, waxay u baahan tahay heer dawladnimo. Waxaan kugu boorinayaa inaad siisid aqoonsigaas rasmi ah.
SomalilandEmbassy.COM