Deg-deg: Xildhibaan Somaliland ah oo Xalay lagu CIIJIYEY MUUQdisho.

Waxaa maanta maydkiisa laga helay hudheel ku yaalla magaalada Muuqdisho Xildhibaan Axmed Cabdi Aadan oo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya.

Ilaahay haw naxariistee, marxuunka oo ka soo jeeday gobolka Hawd, Somaliland ayaa noqonaya masuulkii labaad ee Xukuumada Soomaliya ku disho magaalada MUUQdisho.

“Ilaa hada waxaa u xidhan laba qof, gabadh iyo nin, waxaana loo badinayaa in la sumeeyey inkastoo aan ciijisna meesha ka maqnayn…” ayuu yidhi Cabdifataax oo ka mid ah xildhibaanka asxaabtiisii oo saxaafada u waramayey.

Sida la sheegay marxuunka ayaa maalmihii ugu danbeeyeyba cabsi wayni ka soo wajahday dhanka xakuumada soomaliya maadaamoo uu xog farabadan ka hayey dilka Marxuun Cabdinaasir Dahable oo xasanka Xamar hore ugu ciijiyey Muuqdisho.

Wararka hore dhaca ah ee soo gaadhaya SomalilandEmbassy.com aya sheegaya in marxuunka loo badinayo in ciijis iyo sumeeynba laysugu daray.

Wixii waree soo kordha kala soco SomalilandEmbassy.com. Hadaad Muuqdisho joogtidna ha sugin war soo kordhee …..cawralay cago intaan lagu ciijin…

SomalilandEmbassy.com