
Madaxweynaha Jamhuiuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda safar gaaban ku tago dalka Itoobiya.
Madaxweynaha iyo dhigiisa raisal-wasaare Abiy Axmed ayaa lagu wadaa inay ugu danbeeyn halkaa ku kula saxeexdaan hirgelinta heeshiiskii-is-afgarad ee mudada dheer soo jiitamayey.
Heshiiskan oo dadka qaar u arkayeen mid wakhtidheer qaatay ka midho-dhalintiisa ayaa hadana ah, marka si kale loo eego, mid loobaahnaa soo jiitamiskiisa waayo dad badan oo aanay gaadhsiisnayn qadiyada gooni isu taaga ama guud ahaan Somaliland ayuu baray maanta Somaliland iyo sooyaalkeedka, kelifayna in magaca Somaliland noqdo hadalada miisaska siyaasiyiinta caalamka lagu gorfeeyo.
Iskusoo wada duuboo, Ictiraafka Somaliland oo wakhtigan ku soo beegma ayaa u muuqan kara qunbulo-duniyaddii ugu danbeeysay ee Xisbiga Kulmiye iyo Madaxweyne Biixi ku badhtitaari lahayd hanashada kursiga Madaxweynaha iyo markale. Halka dhigiisa Mudane Ciro iyo Xisbigiisa ama xisbiyadiisa Wadani & Kaahna ay toodu tahay Faysal baan soo dayndoonaa!!!.
SomalilandEmbassy.com