Daawo: Imaaraadka oo Aqoonsaday Somaliland & Xasanka ismaamulka Xamar oo Xumad ka qaaday……

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (CMD) ayaa si rasmiya loogu martiqaaday ka qaybgalka shirwaynaha dowladaha aduunka sanadkan 2025.

Shirkan caalamiga ah oo ka dhacaya wadanka Imaaraadka ayaan lagu soo casumin Xasanka Xamar iyo Geelaha Jabuuti.

Xasan ayaa ilaa 48kii saacadood ee u danbeeyey si aan kala joogsi lahayn telifoono ugu dirayey madaxdii uu hore ugu wareeriyey heshiiskii is-afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya.

Sida ay noo xaqiijiyeen dad ku dhowdhow xafiiska Xasan sheekh, madaxda uu isklu dayey inuu ka dacweeyo Somaliland ayaa badankoodu ugu jawaabay hadal marka af-soomnaali loo turjumo u soo dhowaanaya…”Xasanow ma istidhi Somaliland wareerisay lugta kaaga xidhay…..”.

Wuxuu mudo sidiisii marba meel isku qaado, waxaa markiii danbe ka qabtay Amiirka Qatar, Sheekh Tamim, oo la sheegay in ina-Farmaajo u baryey.

Xiligiii Madaxweyne Muuse ayey ahayd markuu tunka u ritay hawshaa ee uu meeshii aduunka laba noole ku kulmaanba uu dacwada Somaliland & Itoobiya la taagnaa. Hadana waxay u egtahay inuu dib u bilaabay halgankii iibgeynta Qadiyada Gooni Isutaaga Somaliland oo doorkan u muuqata inuu guulo wax ku oola ka soo hooyn doono. Malaa tani waaba tuu ku mutaysan lahaa in taalo looga taago Somaliland loona bixiyo Mujaahid Xasan Sheekh.

Halkan hoose ka daawo Afhayeenka oo faahfaahin ka bixinaya shirkaa caalamiga ah.