Daawo: Ilhaan Cumar oo qarka u saaran Xilka-Xayuubis iyo Musaafuris.

Ilhaan Cumar oo ka mid ah golaha wakiilada ee Maraykanka ayaa lagu wadaa in xilka laga xayuubiyo maalmaha soo socda ka dib markay cay iyo aflagaado qayaxan kula kacday shacabka Jamhuuriyada Barakaysan ee Somaliland.

Hadaladaa gafka oo ay jawaab degdeg ah ka bixiyeen shacabka Maraykanka khaasatan kuwa dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ayaa sababtay in maanta lagaga dhawaaqo Barlamaankla Maraykanka in talaabo sharciga waafaqsan laga qaado.

Gabadhan soomaliyeed ee markii hore loo hanwaynaa, haseyeeshee ku danbeeysay qudhun iyo qabyaalad iyo wixii shacabka Soomaaliyeed ee ay iyaduba ka mid ahayd hore qoxooti iyo qax ugu horseeday hadana ay u tuban yihiin gidaar kasta ilaa kan Miksiko ee Maraykanka ayaa noqonaysa wakiilkii ugu horeeyey ee Maraykan ah ee xilka xayuubis iyo musaafuris laysugu daro.

Waraka ay SomalilandEmbassy.com sida hoose u heleeyso ayaa sheegaya in arintan ay isla kaashadeen xukuumada Somaliland iyo Madaxweynahii hore ee Donald Trump oo isagu aad u raba inaanu ku arag gabadhan golayaasha Maraykanka markuu soo noqdo dhamaadka sanadkan. Sidaa awgeed ayey xisbigiisa Jamhuurigu u dardargelinayaan ka takhaluska xidhibaan Ilhaan intaanu soo noqon Trump.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa maalinba maalinta ka sii danbeeysa sii rumoobaya in qofkasta amaba cidkastoo Jamhuuriyada Barakaysan faraha la soo gasha amaba kuwa u dhashay ee shaydaanku ka duufsadaa ay ku danbeeyso sidan iyo si kasii daran…Dhubuq-dhubuq hore dhaba-na-hays danbay leedahay,.,.,.

SomalilandEmbassy.com