Daawo: Dagaalkii “Gala-Garoowe” oo sii laba jibaarmay & Shacabkii oo u Qaxaya Somaliland.

Madaxa hayadda qaxootiga Qaramada Midoobay ee ku sugan Garoowe ayaa sheegay in tiro aad u badan ay ka qaxeen magaalada, qaar badana u qaxeen dhinaca Somaliland. Dadkan oo ka qaxaya madaafiicda sida arxan darada ah ay isu waydaarsanayaan Ciidamada la baxay “Badbaado Puntland” iyo Maleeyshiyaadka ka amar qaata Madaxweynihii hore ee Puntland, Dani Shuluq.

Sida ay goobjogayaal u xaqiijiyeen, SomalilandEmbassy.com, dagaalkan oo marba marka ka danbeeysa sii xoogaysanaya ayaa weli ka socda mello badan oo magaalada ka mida, khaasatan xaafadaha Kowda Ogos, baarlamaanka iyo jidka Soddonka.

Cabdi Cali Jinibari
SomalilandEmbassy.com
Garoowe