Daawo: Caasha Cali Raage & Abaal Marinta Prime Ministerka UK.

Screenshot
SomalilandEmbassy – Markii Asha Ali Rage, oo ah hooyo saddex carruur ah, ay iska diiwaangelisay tababarka kubadda cagta ee kooxda Aston Villa, weligeed hore uma aysan ciyaarin kubadda cagta — balse waxay lahayd qorshe cad: in ay ciyaartan u adeegsato sidii ay dhalinyarada uga ilaalin lahayd waddooyinka islamarkaana ay fursado cusub ugu abuuri lahayd.
Asha waxay bilowday iyadoo dhalinyarada deegaanka ku casuuntay ciyaar fudud oo lagu ciyaaro parkyada, hase yeeshee sannadkii 2016, waxay aasaastay Dream Chasers FC oo ku taalla Small Heath, West Midlands — meel ka mid ah goobaha ugu badan ee dambiyada mindiyaha dalka Ingiriiska.
Sagaal sano kadib, Dream Chasers FC waa wax ka badan naadi kubadeed. Asha waxay dhistay xarun bulshada u furan oo ay dhalinyaradu dareemaan badbaado, taageero iyo qiimeyn. Mashruucaasi wuxuu isu beddelay hay’ad bulsho oo bixisa goobo ammaan ah, tababaro xirfadeed, iyo fursado shaqo.
Dream Chasers FC waxay qabataa aqoon isweydaarsiyo caafimaadka maskaxda iyo shaqo abuurka, oo ay ku jiraan barnaamijyo lagu dhiirrigeliyo dhalinyarada dugsiyada, iyo sidoo kale casharro qoob-ka-ciyaar ah. Ururka wuxuu sidoo kale bixiyaa casharro Ingiriisi ah waalidiinta muhaajiriinta iyo raashin gargaar ah dadka baahan. Waxaa kale oo ay leedahay Ladies Community Hub, oo haweenka isu keenta si ay u wadaagaan aqoon ku saabsan nafaqada, caafimaadka, waalidnimada iyo xogta tallaalka jadeecada (measles).
Naadiga ayaa sidoo kale dhisay xiriir wanaagsan oo u dhexeeya dhalinyarada iyo booliiska deegaanka iyadoo la qabto hawlgallo nadiifin ah (litter picking) oo ay si wadajir ah u sameeyaan.
Asha, oo hadda 46 jir ah, si fiican ayay u taqaan khataraha nolosha waddooyinka — iyadoo xustay in ay jiraan celcelis ahaan 14 falal mindiyeed maalin kasta oo ka dhaca West Midlands, isla markaana 2019 kooxdeeda Dream Chasers FC ay weysay saaxiib lagu dilay weerar mindi ah.
Asha waxay tiri:
“Markii hore dad badan ayaa iga soo horjeeday maadaama aan ahay haweeney Muslim ah oo ciyaareysa kubadda cagta. Laakiin maanta, waalidiin ayaa igu leh: ‘Haddii aadan adigu jirin, ma aqaan meel ay wiilashaydu ahaan lahaayeen’.”
Waxay sii raacisay:
“Shaqadayadu waxay beddeshaa nolosho badan — taasna waa waxa i sii wadda. Waa muhiim in qof walba helo meel ammaan ah iyo dareen uu ku jiro bulsho.”
Hadalkii Garsoorayaasha:
“Caqabadaha ay dhalinyaradu maanta wajahayaan waa kuwo waaweyn, balse Asha waxay siisay rajo iyo waddo ay mustaqbal ifaya u mari karaan. Wax ka badan taas, waa xoog isbeddel iyo wanaag u keena bulshada oo dhan.”