
Muddo dheer, dhalinyarada Somaliland waxay la kulmayeen caqabado adag si ay u fahmaan ama loo fahansiiyo wadaniyada dhabta ah iyo awoodaha ka shaqeynaya inay dib u dhacaan. Warxumo-tashiil, marin-habaabin, iyo ajandayaal qarsoon ayaa adkeeyay inay runta arkaan. Laakiin, kacdoonka Ciyaal Xamarka darteed, wacyigelin cusub ayaa bilaabatay, mid dhalinyarada Somaliland ku dhiirrigelinaya inay gartaan xaqiiqda dhabta ah ee ku gadaaman.
30-kii sano ee la soo dhaafay, waxa adkayd in dhalinta Somaliland lagu wargeliyo cidda run ahaantii caqabadda ku ah qaranimada iyo gooni isutaaga Somaliland ama runtii jeritaankooda qofnimo.
Inkasta oo cadowga Somaliland qaar si cad loo garanayo haddana waxaa jiray koox kale oo mudo dheer laba wajiilaynaysay- mar waxay iska dhigayeen walaalo iyo taageerayaal, halka dhinaca kale ay ahaayeen kuwa ugu daran ee dhabar-jabka u keenaya dhalinyaradea Somaliland.
Maanta, xilli aan ku dhow nahay maalinta aqoonsiga Qaranimada Jamhuuriyada Somaliland, ciyaal xamar way sii qarin kari waayeen xaqiiqadooda dhabta ah. Fashilkooda ayaana baraarujiyey dhalintii Somaliland, taasoo sidoo kale u noqoneysa riyo xun, DIRINDIIRTA WAQOOYI ama kuwa sheegta inay yihiin siyaasiin Somaliland ugu jira barlaamka Xamar, balse dhab ahaantii kursiga u fadhiya si ay u waxyeelleeyaan dadkooda, dalkooda, iyo calankooda.
Ciyaal Xamarow, marlabaad waad ku mahadsantihiin sidaad hurdada ugu toosiseen hadhaagii weli sardhada ku jiray iyo kuwa weli idinkula dhuuqa hadhowna qacda calankooda ku soo barraaruga.
SomalilandEmbassy.com