Caalamkii oo ukala tartamaya Aqoonsiga Somaliland.

Waxaa maalmahanba ku soo qulqulaya caasimada Itoobiya ee adisababa wufuud farabadan oo ka kala socota dhamaan qaaradaha aduunka.

Ujeedada wufuudan ayaa ah ka qayb galka xaflada wayn ee lagu saxeexiii doono heshiishkii is-af-garad oo hore usoo kala dhex maray Somaliland iyo Itoobiya.

Meelmarinta heshiishkan oo mudaba la sugayey ayaa qodobka ugu wayn ee saxeexiisa ku xidhnaa uu ahaa Aqoonsi Somaliland hesho.

Dhanka Hargeysa, iyana wufuud usii gogol xaadhaysa Madaxweyne Muuse Biixi oo uu horkacayo wasiirka arimaha guduhu ayaa u socdaalay Adisababa.

Kulankan ayaa lagu wadaa inuu noqdo kii qarniga.

Ictiraafka ama aqoonsiga caalimiga ahe ka dhasha Kukankan ayaa wax badan ka badeli doona caalamka maadaamoo uu ku soo biirin doono dal 30kii sanadoood ee u danbeeyeyba la sugayoo la saadaalinaayey.

Waxa kaloo uu si gaara isbedel weyn ugu samayn doonaa loolanka doorashada Somaliland. 

Wixii ware ka soo kordha haka fogaan halkan…

SomalilandEmbassy.com