Afhayeenkii Baarlamaanka Kanada Vs Afhayeenkii Baarlamaanka Somaliland…

Afhayeenkii Barlamaanka Canada, Anthony Rota, ayaa Jimcihii ku soo casumay Barlamaanka Yaroslav Hunka oo 98-jir ah.

Afhayeenka ayaa wakiiladii iyo Raisal Wasaarihiiba mar keliya ku amray inay odaygan u sarakacaan maadaamoo uu ka mid ahaa halgamaayshii Yukarayn ee la dagaalamay Ruushka xiligii halgankii xornimadoonka Yukarayn sidoo kalena waa halgamaa reer Kanada ah ayaa ka mid ahaa hadaladii amaanta ahaa ee afhayeenku ku soo dhoweeyey odaygan.

Mar keliyuunbaa Golihii Baarlamaaka, Raisal Waasaarihii iyo martisharaftii kale ee goobta ku sugnaydba, sacab iyo guux soo dhoweeyn kal iyo laab ah isugu dareen odaygii raqayada ahaa. Duqii oo kuut-kuutinaya ayaa isna sara kacay isagoo cirid-cadeeynaya.

Maalin ka dib, markii la ogaaday in aanu halgamaa, halyey iyo wax u dhow toona ahayn, balse uu ka mid ahaa Huwantii Hitler ee xagjirka ahayd ayaa dhinac walba laga soo weeraray Afhayeenkii Barlamaanka, maxaafid iyo mucaaridba, ilaa uu maanta is casilay.

Halka Afhayeenkii Kanada oo amaan iyo usarakaca uu isla maalin gudaheed ku waayey shaqadiisii ayaa Afhayeenkii Somalilandna ilaa mudaddii la la’aa ee tuhunku jiray ilaa’iyo hadda oo uu cadeeystay inuu yahay Hogaamiyaha Huwanta, weli xildhibaano aaminsanyihiin inuu yahay gudoomiyahooda ruuxiga ah!!!

98-jirkii khaatumada seejiyey Afhayeenka Kanada, waxaa lagu wadaa in maxkamad ku taala Israil la soo taago maalmaha soo socda, halka 98-jirkii, Morgan, ee khaatumada seejiyey Afhayeenka Somalilandna uu 32kii sanadood ee Somaliland jirtayba ku noolaa xuduuda Somaliland…

SomalilandEmbassy.com