Soomaalidu waa Dad dhaqan oo Dabar go’aaya Qaybtii 3aad.

Qaybta waxaynu ku eegi doonaa mid ka mid ah shantii tiir ee ku xusnaa qaybtii Labaad  aynu ku bilowno tiirka gebi ahaanba Dabar go`ay oo ah 

Caadooyinkii Soomaalida u caadada ahaa:-

Caado waa tab iyo fulin Xeerar falqabad ay joogtaysteen Ummad meel ku wada Dhaqani, waana wax badankoodu salka ku haya ama kasoo jeeda diimo hore iyo Xeerar u dhacay waayo aan dhaweyn oo u meel maray, waana wax waajib ku ahayd in Ummadu caadooyinka ay caadeysteen ilaaliyaan, fal galiyaan, qaderiyaan oo qiimeeyaan, qodobada iyo shuruudaha ku gaddaaman, sidday tahay in loo fulliyaa ay haboonayd, Soomaalidu sidday caadooyinkoodu ugu weynaayeen waxay aaminsanaan jireen haddii ay seegaan inay inkaar eebe ku habsanayso oo waxay odhan jireen “CAADO LAGOOYAA CADHO ALLEY LEEDAHAY”. 

Caadooyinka Soomaalidu kuwo xun iyo kuwo sanba wey lahaayeen, wax maqaal lagu soo koobi karana maaha, Hadaba iyaga oo kooban haddaynu waxoogaa kasoo qaadano, Caadooyinkii Soomaalida waxa ka mid ahaa walxaha qaar in aan la Magac Dhabi jirin marka lakala qaadanaayo goor habeenimo ah, sidda milixda ama cusbada, Siddoo kale habeenkii ruuxa magaciisa loogu yeedho inaanu hee odhan jirin, irbad murux ah oo aanay duni ku jirin lama kala qaadan jirin, kab meel taala oo rogan may banaanayn, sheydaanbaa ku tukanayaa ayey odhan jireen inkastoo Runtii saxada fayodhowr awgeed looga Dan lahaa waayo kab aad ku soconaysay saxaro inaad ku joogsatayna xabka siddaa awgeed inay rognaataa wey reebanayd, marka Neef laqalaayo ruux Lab ah ayaa birta marinaayey oo gowraca lahaa, haragana haweenkaa ka saari jiray, marka laga reebo Geela, cadka ama hilbaha qaar baa jiray ragu ka caaganaa cunidooda sidda mergiga, madaxa iyo caloosha oo cunidooda dumarka u Caado ahayd, halka ay birtu martayna qudheeda waa laga qashaafi jiray, Siddoo kale lafaha hilibka qaar baan la jabin jirin, Siddoo kale dadbaaba Caado usii gaar ah lahaa oo odhan jiray cadkaa ma gayno ama ma cuno sidda wadnaha iyo wax la halmaala, haddii awrka reerku rartaan uu dibjiro xadhigii lagu dabri ama seetayn jiray inta mudac ladu mudo ayaa gelgelintuu ku gelgelimaysan jiray la dhigi jiray, 

Dhanka aroosyada waxa u Caado ahayd in galbiska ninka arooska ah iyo gabadha aroosada ah midba gaar geestiisa loo soo galbin jiray, oo ninka rag ayaa keligii soo gelbin jiray oo goobta dadab galka keeni jiray, dhanka aroosada geesteeda inta wiil yar loo xanbaariyo dhiil caano ahna ay soo laalaadsato ayaa haween gaar u soo galbin jireen, halka iminka labada hablood ee yaryari  ubaxa horsidaan sidda wadarta ahna loosoo geliyo, waxa isna jiray oo u Caado ahaa haweenka marka ay umulaan inay qaadan jireen qori gaaban oo sasaanta siddii ruux cilin ah loo qoray loona yaqaanay Wagar kaas oo u ahaa balaayo xijaab dhalaanka iyo caruurta, waxa barkimada loo hoos gelin jiray ilmaha siddoo kale Hooyadu waxay la majeeran jirtay ilmaha oo qaydkay ku xambaarto ilmaha ayuu ugu jirijiray, waana wax kasoo jeeda diimo hore waxuuna ka mid ahaa sanab yadii ilaahyada ahaa waa’gii Dadku jaahiliintan ahaayeen, waxana loo yaqaanay ilaahii dhalaanka iyo caruurta, siddoo kale faraaciintii oo ay Soomaalida xidhiidh lahaan jireen ayuu ku xusan yahay asaartay ka tageen oo wuxuu ka mid ahaa ilaahyadii ay caadudi jireen waxayna iyagu u yaqaaneen BIS ooridiisana BISAD kaas oo u ahaa ilaaha dhawra ee madadaaliya dhalaanka iyo caruurta marna wuxuu u ahaa ilaaha dagaalka wuxuu u eekaa ruux cilin ah, isaga oo sanab dhagax laga qoray ah ayey qolqolka aqalka caruuri joogto hor dhigi jireen, marka ilmo dhashana ilmaha dhashay waxay u barkin jireen isaga oo qori laga qoray, sidda ay sheegeen Culimada ku xeelka dheer dhaqamadii iyo taariikhdii faraaciinta, waxayna qireen in ilaahani faraaciintii uga yimi deegaanka geeska Afrika kumanaan sano in ka badana ay caabudayeen, Siddaa awgeed waxa halkaa ku cad in WAGARKU uu ahaa ilaahyadii ay Soomaalidu caabudi jirtay una gudbiyeen iyagu faraaciinta waayo BISSAD iyo BISAD BA waa SOOMAALI marka la didinaayo Bisaaska waxa lagu yidhaahdaa BIS siddaa awgeed waxa suuragal ah in la odhan jiray Bissadow balaayada BIS naga dheh, se Hubaal waxa aanu muran ka joogin in WAGARKU sanab lacaabudi jiray ahaa, oo uu dhalaanka iyo caruurta iyo dagaalka ahaa, oo uu Soomaalida u ahaa, waayo  ubadka waaloo barkin jiray balaayo xijaab ahaan marka haweenku dagaalamaana way isku adeegsan jireen oo Wagar ayey isla dhici jireen, 

waxa iyana wax reeban ahayd in ruuxa haweenka ahi gurranaato ama gacanta bidix u ahaato gacanteeda cuddoon labadeeda gacmood, Hooyada inanteedu ama gabadheedu noqoto ruux gurran cay iyo Magac xumo ayey kala kulmi jirtay Ummada ay la dhaqan tahay sidda awgeed si aanay u galabsan deelqaaf iyo waji-gabay ayey Hooyadu fallowgeed qaban jirtay, oo xitaa waxa dhici jirtay marka ay  ka jari kariwaydo adeegsiga gacanta bidix inay Mataanaha ka jabin jirtay si ay qasab ugu noqoto inay gacanta Midig adeegsado, haddii ay aragto inay gacantii bidix adeegsigeedii ku laabanayso waxay kasban jirtay inantaa yari hagardaamo sidda in gacanta bidix dab lagaga dhejiyo jidh dil, cay iyo waxyeelo kale ilaa intay ku noqonayso ruux aan gacan Guracnayn oo midigle ah, waana ta u sababta ah in aadan arkin ruux Waayeel haween da’ah oo gurran, Siddoo kale waxa xad gudub lagula kici jiray xubinta taranka ee haweenka caadadaas oo weli wakhtigan xaadirka ah dad badani ku dhaqmaan waa gudniinka fircooniga ahe ayaa iyana waxay salka ku haysaa diimo hore oo lagu dhaqmi jiray, waana Caado kamida Caadooyinkii ugu xumaa ee Soomaalida,ee weli dabada lasii hayo waana wax Diinta iyo Dad nimada ku lidi ah, Hadal iyo dhamaan inkastoo lasoo koobi karin Caadooyinkii Soomaalida se waxa hubaal ah inay ka suuleen gebi ahaan marka laga reebo laba Caado waa mid kamid ah kuwii ugu xumaa iyo mid kamida kuwii ugu wacnaa, midi waa gudniinka xun ee fircooniga ee weli hagardaamada, waxyeelada iyo meel kaga dhaca loogu gaysanaayo haweenka wakhti Diintii lafahmay aqoon cilmina la bartay la ogaadayna inay wax qalad ah tahay, takalana waa tawacan ee marka madal ama goob kulan layskugu yimaado caadadu u tahay in weedhaha ilaahay lagu furto ee la yidhaahdo siddii caadada inoo ahayd aynu aayado Quraan ah ku furano ama ku bilawno kulankeena iyo sheekh Hebelow inoo mari ama inoogu fur, labadaa Waxaan ahay Caado Soomaali ciddi ma xaalayso,

Hadal iyo dhamaan wixii Soomaalidu Caado ay lahayd Cidlay maanta ka joogaan. 

Fuad Fartaag 

Fartaagmuwaadin@gmail.com 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*