About Us

SomalilandEMBASSY.com waxay ugu soo biirtay shabakadaha Somaliland markii ay ka fursanwayday in la helo shabakad warka usoo gudbisa si ka madaxbanaan xisbi, xukuumad amaba dan gaar ahaaneed.

Haka boodin sasna ha qaadin hadaad ku aragto aragti ama maqaal taageeraya xisbi aan kaaga ahayn ee u arag uun in muwaadin adoo kale ahi fikirkiisa iyo taageeradiisaba u muujiyey xisbigaa aan kaaga ahayn, waxa keliyee kula gudbooni waa inaad adna xisbigaaga ama waxaad jeceshahay soo bandhigtaa ee wakhtigu wuu yaryahee yaanu kugu dhaafin nacayb, dhaleecayn iyo wax ka sheega qofkale fikirkiisa. Anaguna hadaanu nahay maamulka SomalilandEMBASSY.com waxaanu diyaar unahay inaanu muwaadin kasta fikirkiisa usoo daabacno.

SomalilandEMBASSY.com waxay kuula diyaar tahay inay si degdega kuugu soo gudbiso warka Somaliland iyo dowladaha la deriska ah sida somaliya iyo Jabuuti iwm.