Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Mr. Farmaajo oo ku kulmaya Addis Ababa.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefigiisii galabta ka dhoofay magaalada Hargeysa ayaa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha wasiirul dowlaha arrimaha dibada ee Itoobiya Md Akilo Haile Mecheal.

Safarkan Madaxweynaha ayaa muhiimadiisa ugu wayni tahay sidii loo sii xoojinlahaa xidhiidhka wax wada qabsi, nabadda iyo xasiloonida labada dal ee deriska ah iyo guud ahaan geeska Afrika.

Inkastoo aan weli lashaacin haddana sida aanu ka helayno ilo lagu kalsoonyahay waxaa la filayaa inay wada kulmaan Madaxweyne Biixi iyo Madaxa Guriga Villa Soomaaliya Md Cabdillaahi Farmaajo.

Halkan ka akhriso warkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*