|

Tababare Sare Jama Aden (Karaiin) oo Dambi Lagu Waayey

jamacKaracinTababaraha Caankaa ee caalamka ciyaaraha masaafada dhexe ayaa xorriyadiisi dib loogu celiyey ka dib isniintii hore lagu eedeeyey inuu ciyaartoydiisa uu ku isticmaalo dawooyinka mamnuucaa ee kor u qaada adkaysiga, iyo raandhiiska ciyaartoyga. Ku waas oo ah qaar ka mamnuuca dhamaan ciyaaryahanna ku tartama garoomada caalamigaa.

 

Haddaba maxaa keenay sababta Jama Aden loo bartilmaansaday? Tababare Jama waxaa uu yahay waqtigan xaadirka tababaraha ugu magaca weyn, uguna wax soo saar badan markay noqoto ciyaartoy nadiif ah oo karti dheeraad ah ka muujiyey garoonada adduunka. Waxaa ciyaartoydiisa qaadeen billadaha Olympics, iyo kuwa dhigaan sida IAAF, Asian Champions, Pan Arab Games, Africa, iyo kuwa ka dhaca waddanka Maraykankaba. Guulahaa isdaba joogaa ee uu la yimid Jama shan iyo tobankii sannadood ee aynu soo dhaafnay ayaa keenay in tababaran indho gaar ah lagu hayo; sababtuna waa iasagoo marka hore ah nin African ah oo aan laga filayn inuu noqdo ninka ugu horreeya tababarka orodka, iyo hinaase ballaadhan oo ay muujiyeen tababarayaasha dhiggiisa ah ee ay cunsiriyaddu qaaday.

 

Waxaa ilaahay mahaddii ah in wax dambi ah lagu helin isaga iyo kooxdiisi oo isla markaa la weeraray dhiiggooda laga wada baadhay dawooyinkaa mamnuuca ka ah ciyaaryahannada. Mar aan waraystay Tababare Jama ayaa ii sheegay in weerarku ujeeddadiisu ahayd siday magaciisa uu baabiin lahayeen. Isagoo siiwada wuxuu yidhi waxaa joogta u noqotay qolooyinka ka hinaasan horumarkayga iyo kan kooxdaysa inay jaraaiidda internet ka ku qoraan warar aan sal lahayn oo wax u dhimaaya sumcaddayada. Waxaa la soo gaadhay xilligii Olympics ee ay midda kale aad uga cabsi qabaan inaan natiijad balaadhan ka gaysanno. Waxaa tababare Jama mahad balaadhan ka sheegtay sida weyn ee umadda Somaliyeed ay u saacideen markay warkiisa maqleeyn.

 

Waxaa kooxda tababarah loo fasaxay inay dib ugu noqdaan tartannadii ay ku qornaayeen. Waxaan jeclahay inaan ku baraarujiyo qolooyinkii oroddada sida Abdi Bile ee uu Tababarahani gacanta weyn ka gaystay siday meel u gaadhi lahayeen inay ka hadlaan oo saacidaan tababaraha markay arrintan oo kale timaaddo.

 

Issa Awaleh

 

 

Short URL: http://somalilandembassy.com/?p=803

Posted by on Jun 27 2016. Filed under Ciyaaraha, Current Affairs, Fikradaha/Opinions. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply