|

MEE MADAXWEYNAHEENI?

Madaxweyne Siilanyo dalka wuu ka dhoofay, warkiisana waxa la helay dhoof kana deg Istanbuul, maalinti xigtayna rag is arkee, deedna maql iyo muuqaal midna lama arag.
Ma aha wax caadi ah in nin dal dhan ka masuul ah la waayo warkiisa. Waxa cadaanaysa amba inayna jirin wax nidaam ah oo Saomaliland ku shaqayso sida caalamka oo ay waajib tahay in lala socdo saacad saacada warka madaxweynaha, amba waxa jira wax la qarinayo iyo sidii socdaalkii la odhan jiray Shiine ayuu tegay ee la sii mariyey Diredhabe, lana waaayey wax raad ah oo Shiine ah, bal se uu boqor Buurmadow kashifay inuu meelo kale ka degay, Cukusana arrintaas wuu ku qosal oo wax ayuu ka ogaa.
Meesha waxa yaala wax weyn oo u baahan inaynu runteeda ogaano. Dalkan ma habboon in maafiya aan la doorani Mdaxweynahii la doortay ay afduubaan ooy kolba sida caruusadda caaga ah ay meel u kexeeyaan, ka kaxeeyaan, qariyaan.
Wax kale ayaa la sheegayaa oo isaga iyo Wasiirka Cusub ee Arrimaha Debedda< Xagletoosiye iyo Cukuse ay wadaagaan. Ma hubo oo intaas u dhaafimaayo, kolka se aan gunteeda helo waan idinla wadaagi doono. Allow sahahl.
Waxa la yidhi doorkan waxa Xirsi loo reebay inuu xisaabaha sii asturo, wiilkii Morgan waxa la yidhi xisaabaha ka furan Imaaradka iyo waxa Xirsi soo gudbiyo astur. Waa fiile isku xidhan. Waxa la leeyahay xaalad caafimaad oo culus ayaa loo aamusay dalkana looga bedeley oo France iyo meel Somaliland ku yartay ayaa la aaday. Tolow Madaxweynahu ma ciirsan doona Madxaweynahi hore Rayaale isaga dalkan ka yaqaane. Allow sahal.
Madaxweyne waan kuu duceeya, oo maanta duco culus ayaad u baahantay ee Alle ha ku siiyo caafimaad. Alle ha ku tuso waxa dalka ka jira. Amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiim
Cabdi Xaji Axmed
hargeysawi@ymail.com.

Short URL: http://somalilandembassy.com/?p=232

Posted by on Oct 9 2013. Filed under Fikradaha/Opinions. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply