|

MAXAY WADAAGAAN GUULEED XAWAASHE IYO MUSHARAX JAMAAL ?

Abwaan Guleed Xawaashe iyo Musharax  Jamaal Cali Xussein, waxay wadaagaan sifooyin fara badan.Waxaan manta akhriyay maqaal uu qoray  Oday  Cali  Baqdaadi uu kaga  sheekeeyay silsiladii Xaydha . Baqdaadi siday sheekadu ahayd badh buu  qariyay .Waxa laga yaaba inuu  iska dhawraayay qabyaalada , Laakiinse waxa haboon in  sheekadu siday  ahayd loo sheego.

Nimanka Gabaygu dhexmaray waxay ahaayeen niman asxaab ah oo beel kasoo wada jeeda“  Xirsi Cismaan” oo safar ku jira, Waxa la socday niman Muuse Care ah, oo  ay hablo kala qabeen. Nimankii Xirsi Cismaan waxa u bilaabantay kaftan suugaaneed aan turxaan lahayn.Odayashii xididka lala ahaa iyagu kamay qayb gelin kaftanka lays waydaarsaday, waanay ka gaabsadeen inay dhex-galaan.
Guuleed Xawaashe , wuxuu ahaa nin kasoo jeeda beesha “Arab- Reer Cali “, oo deganaa hawdka laan Mullaaxo. Wuxuu ahaa nin Abwaan ah oo aad loo jecel yahay, laakinse marka uu gabay maqlo markiiba ka jawaaba isaga oo aan waxba  u hubsan. Markii gabayga  Xaydhu soo gaadhay ,Guuleed Xawaashe muu noqon dhex-dhexaad, iskumana dayin inuu odayaasha isu soo dhaweeyo.  Dhinac ayuu garabka saaray,waxaanu soo tiriyay  dhawr tixood  oo culculus.

Sidoo kale, Mudane Faysal iyo Guddoomiye Ciro waxay ahaayeen laba nin oo muddo dheer saaxiibo ahaa oo kasoo wada safray Finland. Waxay soo wada galeen halgan dheer iyo dagaal adag oo siyaasadeed. Markii danbe way kala baydheen, waxaanay  kala hogaamiyaan laba xisbi mucaarad.

Waxa  haboonayd  inuu Musharax Jamaal   dhex-dhexaadiyo labada saaxiib ee mucaaridka ka ah oo  xooga iyo awooda laysugu geeyo sidii Kulmiye kursiga looga tuuri lahaa. Laakinse dhinac ayuu noqday  oo muu garan halka uu usha ku dhufan lahaa . Allaylahe,  Jamaal wuxuu galay godkii Guuleed Xawaashe.

DHAKAAR ABDI , HARGEISA.
dhakaarabdi@yahoo.com.

Short URL: http://somalilandembassy.com/?p=185

Posted by on Jan 20 2013. Filed under Fikradaha/Opinions. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply