|

Shaqsiga Sanadka Somaliland

XirsiDadka wax ka qora Somaliland amaba ka hadla, ha’noqdaan Somalilanders ama cidkaleba’e, waxay inta badan wax ka eegaan dhinaca dhaleecaynta, inkastoo qaarkood ay ka tahay toosin hadana waxay ka siman yihiin badankoodu qaar u janjeedha dhinaca soo fiqida wixii khaldamay ama iyaga khalad ula muuqday. Taasina maaha mid lagula yaabi karo waayo inta badan waxaynu ka qaylinaa markii keliya ahaa ee aynu madaxa meel ku dhufanay oo ma aragno milyanka jeer(1,000,000) ee aynaan ku dhufan.

Tusalaae ahaan hadii qoraagu qoraaladiisa kaga hadlayo wadahadalada Somaliland & Somaliya iyo sida isaga ula haboon in loo wajaho amaba haduu kaga hadlayo sidii loola tacaalilahaa jiirkan wadankii beryahan faraha baas ku haya iyo halka ugu dhow ee laga keeni karo sunta jiirka, dhamaantood qoraalkasta waxaad ku dhex arkaysaa magaca Xirsi oo aad marmarka qaarkood moodaysid inuu la mid noqday halhaystii Siyaad Bare(IHUN)ee ahayd “Maxaa Wacay”.

Wasiir Xirsi ayaa ku mutaystay derajadan(Shaqsiga Sanadka Somaliland) ka dib markuu noqday shaqsiga ugu hadalhaynta badan ilaa iyo intii Somaliland uu hogaanka u qabtay Madaxweyne siilaanyo.

Haddaba, anagoon marnaba ka hadlayn wanaaga ama xumaanta shaqada Wasiir Xirsi oo taa u daynayna shacabka Somaliland ee uu xilka u hayo, ayaanu waxaanu u aqoonsanay Shaqsiga ugu hadalhaynta badan Somaliland haday noqoto qoraal ama idacadba.

SomalilandEMBASSY.com

Short URL: http://somalilandembassy.com/?p=164

Posted by on Dec 30 2012. Filed under Current Affairs, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply