|

Afhayeenka Al-shabaab oo sheegay iney Puntland ka bilaabeen dagaal ka dhan ah maamulka Faroole

Afhayeenka dhinaca howlgalada ee xoogaga Al-Shabaab Shiikh C/casiis Abuu Muscab ayaa ka hadlay dagaalo habeen hore ciidankooda ku sugan buuraha Golis iyo kuwa Puntland ku dhexmaray degaanka Suggure oo ku yaala meel qiyaastii 50km dhinaca K/galbeed kaga soo toosan madaalada dekeda ah ee Boosaaso.

Abuu Muscab ayaa sheegay in dagaalkaas uu ahaa mid ay iyagu qaadeen ayna degaanka Suggure ku laayeen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo gaaraya illaa 30 askari, isagoo xusay in dhinacooda ay ka shahiiday afar nin sida uu warka u dhigay.

“Mujaahidiinta waxaa u suuragashay iney la wareegaan saldhigii maamulka ashahaado la dirirku ku lahaayeen degaanka Suggure halkaasi waxay ka soo qaateen qaniimooyin badan, oo isugu jira hub kala duwan” ayuu intaa ku daray Abuu Muscab oo intaa ku daray in dagaalkaas uu bilow u yahay howlgal ay xididada ugu siibayaan maamulka Puntland.

Sidoo kale Abuu Muscab ayaa sheegay in wado ciidamada ku sugnaa degaan Sugure ay isticmaali jireen ay miino kula kacday gaari ay la socdeen ciidamo gurmad ahaa, “Halkaasna khasaare dhimasho oo ilaa 10 askari ka badan ayaa cadowga lagu gaarsiiyey halka kuwo kale ay dhaawacmeen” ayuu intaa ku daray Abuu Muscab.

Maamulka Puntland ayaa qirtay in askar 10 ka badan looga laayey dagaalkaas ayna wadaan qorsheyaal ay ku weerar kama dambeys ah ugu qaadayaan buuraha Golis si halkaas uga saaraan xoogaga Al-shabaab ee ku dhuumanaya sida ay yiraahdeen.

dayniile

Short URL: http://somalilandembassy.com/?p=135

Posted by on Dec 6 2012. Filed under Current Affairs, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply